Mukhtaar Maxamed Shariif Oo Lagu Xukumay Kiis Musuq Maasuq La Xiriira Lacagihii COVID-19
Dalka Mareykanka waxaa maxkamad ku xukuntay Mukhtaar Maxamed Shariif, oo ah muwaadin Soomaali-Mareykan ah, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira isdabamarin dhaqaale oo gaaraya $250 milyan.
Lacagtan ayaa markii hore loogu talagalay barnaamij loogu gargaarayo dadweynaha intii lagu jiray xilligii COVID-19, balse waxaa la sheegay in si khaldan loo maamulay.
Mukhtaar ayaa horey u beeniyay eedaha loo jeediyay, waxaana kiiskan lala xiriiriyay in ka badan 60 qof oo kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen lunsashada lacagaha loogu talagalay ka hortagga cudurka safmarka ahaa ee Coronavirus.
Xeer ilaalintu waxay sheegtay in lacagtii la xaday loo isticmaalay iibsashada gaadiid raaxo ah, hanti ma guurto ah, iyo maalgashi caalami ah, inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin goobaha maalgashigaasi lagu sameeyay.
Mukhtaar, oo dhalasho ahaan haysta labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii firfircoon ee ka shaqeynayay dadaalladii la qaaday intii lagu jiray xayiraaddii caalamiga ahayd ee 2019-2020, si wax looga qabto saameynta cudurka COVID-19. Si kastaba ha ahaatee, xukunkiisa ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo uu weli jiro doodo la xiriira sida dacwadda loo maareeyay.