U bood dhigaalka

Dood adag oo ka dhex aloosan Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka Elon Musk

Sheeko:War

Dood culus oo u dhexaysa Xildhibaanno iyo Senatorro ay kamid tahay Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka Elon Musk ayaa si xoog leh u qabsatay shaashadaha Warbaahinta caalamka.

Dooddan ayaa curatay ka dib markii Elon Musk uu dhowaan sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu oggolaaday in la xiro hay’adda kaalmaynta USAID, taas oo ururrada gargaarka bixiya ee dunida ugu waaweyn.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo arrintan ka hadashay ayaa go’aamada maamulka Trump si adag u dhaleecaysay, ayadoo Elon Musk ku tilmaamtay qof aan dadka Mareykanku dooran, sharciyaddana u haysta wax aan asaga khusayn.

Xubin kale oo Congress-ka ka tirsan, ayqq asaguna sheegay in USAID ay quudiso carruurta gaajoonaya, sidoo kalena ay gacan ka geysato xoojinta isbahaysiga Maraykanka, sidaa awgeed qorshaha uu Trump hay’addan ku xiranayaahi uu yahay fursad la siinayo kuwa Mareykanka ka soo horjeeda.

Elon Musk dhankiisa wuxuu Ilhaan Cumar ku tilmaamay khiyaanoolay, Mareykanka Neceb, warbaahinta ayaa si weyn u tabinaysa doodda kulul ee labada dhinac.

Maamulka Trump oo xaafiiska jooga muddo laba todobaad ku siman ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo dunidoo dhan saamayn ku yeeshay, islamarkaana lagu tilmaamay go’aamo qar iska tuurnimo ah.