U bood dhigaalka

Muxuu yahay Hadalka ay qoreen Warbaahinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee hadal heynta ka dhaliyay Soomaaliya?

Sheeko:War

Warbaahinta ku hadasha afka Carabiga, gaar ahaan shabakadda Sawt El Ghad ee ka soo baxda magaalada Ramallah ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto, ayaa dhawaan baahisay warbixin sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo in Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo marinka Qasa la dejiyo dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Marooko.

Warbixinta cusub ee ku saabsan suurtagalnimada in Falastiiniyiinta la dejiyo Soomaaliya iyo Marooko ayaa dhalisay hadal heyn ballaaran oo ka dhex aloosan baraha bulshada ee Soomaalida.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintani ku yeelan karto xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, halka kuwa kale ay su’aalo ka keeneen xaqiiqada iyo suurtagalnimada qorshahan.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda, ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama ilo kale oo madax bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka qorshahan.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda qortay Warbixinada la xariira qorshahaan Trump iyagoo sheegay in deegaanada Somaliland iyo Puntland Mareykanka uu doorbidaayo.

Intii uu xilka hayay, Trump horay wuxuu ku dadaalay inuu xoojiyo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta qaarkood. Tusaale ahaan, sanadkii 2020, wuxuu ku dhawaaqay in Suudaan iyo Israa’iil ay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada Mareykanka ee lagu heshiisiinayo Israa’iil iyo dalalka Carabta.

Sidoo kale, waxaa jiray warar sheegaya in Trump uu doonayay in dalalka Masar iyo Urdun ay qaabilaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qasa, isagoo ku tilmaamay Qasa inay tahay “goob burbur ah”.