U bood dhigaalka

Muxuu yahay gal-dacwadeedka layaabka leh ee ay qaadday maxkamadda degmada Waaberi ?

Maxkamadda degmadda waaberi ee gobolka Benaadir ayaa dhowaan u fariisatay mid kamida gal-dacwadeedyadii ugu yaabka badnaa, kaas oo ku saabsan lamaane ku noolaa degmadaas.

Lamaanahan oo adeegsiga magacyadooda loo diiday warbaahinta ayaa lagu soo eedeeyay fal anshax-xumo ah, kaas oo bulshada Soomaaliyeed iyo bahda garsoorku noociisoo kale aanay horay u arag inta sida shaacsan loo ogyahay.

Lamaanahan ayaa la sheegay in ay in ka badan 120 muuqaal oo anshax-xumo ah iska duubeen ka dibna ay lacago baad ah uga qaadan jireen qoyska gabadha ama xaaska oo dalka dibeddiisa ku nool.

Maxkamadda degmada ayaa dhageysiga gar-maqalkooda ka dibna labadan qof ku riday xukun ah laba sano oo xarig ah, balse waxaa dadweynaha layaab ku noqatay sida ay gabar Soomaaliyeed ugu dhiiratay inay qoyskeeda ku handado in haddii waxay doonayso ay u sameyn waayaan ay muuqaalladeeda oo anshax-xumo ah baahinayso si sharaftooda ay u dhaawacdo.