Trump iyo Putin oo ku kulmi doona Sacuudiga
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/13113018/66b47c03-e918-4254-aa76-df5ef70ed4c7_w408_r1_s.jpg)
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii sheegay inuu wada-hadal dheer oo wax-ku-ool ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaas oo ay ku heshiiyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay inay booqashooyin is-weydaarsadaan, iyadoo Trump uu sheegay inuu aqbalay casuumaad uu Putin u fidiyay si uu u booqdo Moscow.
Dhanka kale, Trump ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isagoo xaqiijiyay in Ukraine aysan laga saari doonin geeddi-socodka nabadda.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa tilmaamay in mararka qaar ay lagama maarmaan tahay in la qabto doorashooyin, isagoo xusay in taageerada shacabka ee Zelenskyy aysan aad u sarreyn.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in dib u soo celinta xuduudaha Ukraine ee ka hor 2014 ay tahay mid aan macquul ahayn, wuxuuna intaa ku daray in isku dayga lagu doonayo in lagu soo celiyo dhammaan dhulka la haysto uu kaliya sii dheereyn doono dagaalka oo uu sababi doono dhibaatooyin dheeraad ah.
Hegseth ayaa sidoo kale cadeeyay in Mareykanku uusan taageereyn xubinnimada NATO ee Ukraine heshiiska nabadda gudaheeda, wuxuuna ku booriyay Yurub inay bixiso taageero dhaqaale iyo mid milateri oo dheeraad ah, iyadoo Mareykanku diiradda saarayo amnigiisa iyo loolanka uu la leeyahay Shiinaha. Sidoo kale, ma jiro qorshe Mareykan ah oo ku saabsan in ciidamo loo diro Ukraine.