Ugu yaraan 48 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku yaalla Mali
Sheeko:Wararka Caalamka

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay burburka goob dahabka laga godo oo ku taalla dalka Mali ee galbeedka Afrika, sida laga soo xigtay booliska.
Dhibaneyaasha qaarkood ayaa la sheegay inay ku xayiranyihiin burburka hoostiisa, kuwaas oo la sheegay inay ku jirto haweenay ilmo yar wadataahi.
Goobaha dahabka laga qado ee dalalka galbeedka Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca shilal nolosha tobanaan qof galaafta, waxaana dhacdooyinka noocaas ah sabab u ah xirfadda qodeyaasha oo hoosaysa iyo gododkaas oo aan ahayn ku habboon faagashada Dahabka.