Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka dhan ah Al-qaacidda ka fuliyay Suuriya
Sheeko:Wararka Caalamka

Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka dhan ah kooxda Al-qaacidda ka fuliyay gudaha dalka Suuriya, sida laga soo xigtay maamulka Trump.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday Xubin ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugan dalka Suuriya dhamaadka todobaadkii hore.
Dowladda cusub ee Suuriya ayaa wax faahfaahin ah ka bixin duqeymahan ka dhacay gudaha dalkeeda, balse Mareykanku wuxuu sheegay in weerarkaas lala beegsaday xubin ka tirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabo Hurras al-Diin.