IGAD oo Muqdisho Ka Fureysa Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah

Urur Goboleedka IGAD ayaa qorsheynaya in markii ugu horreysay uu sameeyo Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah, taas oo xarunteedu noqon doonto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay arrintan xilli uu ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), isagoo xusay in tallaabadani ay fursad weyn u tahay Soomaaliya si ay uga faa’iideysato kheyraadka baddeeda iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.
Soomaaliya ayaa horey u muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.
Bishii Diseembar 2022, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto lagu beddelayo magaca Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda, iyadoo loo bixiyay “Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah” (Ministry of Fisheries and Blue Economy). Magac-beddelkan ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo maareynta kheyraadka badda si waara.
Xarunta cusub ee IGAD ee lagu wado in laga furo Muqdisho ayaa noqon doonta mid diiradda saarta horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee gobolka Geeska Afrika. Tani waxay fursad siin doontaa Soomaaliya iyo dalalka kale ee IGAD inay iska kaashadaan maareynta kheyraadka badda, cilmi-baarista, iyo hal-abuurka si loo gaaro horumar waara oo dhaqaale.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin kale oo lagu xoojinayo waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxaa la furay sheybaarro casri ah oo lagu tayeeyo kalluunka, waxaana la qabtay shirar iyo aqoon-isweydaarsiyo lagu xoojinayo iskaashiga iyo maareynta kheyraadka badda.