U bood dhigaalka

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Sheeko:War

Qarax ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Cali Goleey ee degmada Kaxda ayaa sababay dhaawaca lix qof, oo labo ka mid ah ay yihiin dumar.

Goobta Qaraxu ka dhacay waxaa ku dhow fadhiisin ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo.

Degmada Kaxda ayaa marar badan la kulantay weerarro iyo qaraxyo ay fuliyeen kooxda Shabaab, kuwaas oo inta badan beegsada ciidamada ammaanka iyo goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay howlgallo lagu sugayo nabadgelyada, ma jirto cid wali gacanta lagu soo dhigay.