U bood dhigaalka

Soomaaliland oo su kulul uga jawaabtay eedaymo uga yimid dhinaca Puntland

Sheeko:War

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta
Somaliland ayaa lagu sheegay in nabadgelyadu ay ra’sumaal u tahay, sidoo kale ay caan ku tahay xasillooni, islamarkaana Soomaaliland ay u taagan tahay ka hortagga argagixisada.

waa dal nabadgelyaddu ay  u tahay  raasamaalka rasmiga ah ee ay soo  ku caano-maashay. Sidoo kale, dunida oo dhammi u aqoonsatay bogcada ugu xasiloonida badan geeska #Afrika, dalalka jaarkeeda ahna waxa ay la jeceshahay inay ku naalloodaan nabadgelyo iyo xasilooni.

Sidoo kale Soomaaliland waxay sheegtay inay deriskeeda nabad la jeceshahay, islamarkaana dastuurkeedu uu waajid ka dhigayo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah.

War saxaafadeedka ka soo baxay Soomaaliland oo u muuqda inuu jawaab u yahay eedaymo maalmihii la soo dhaafay ay jeedinayeen masuuliin ka tirsan Puntland ayaa lagu yiri “waxaa wax lala yaabo ah eedaha  deel-qaafka iyo cuqdada ah  ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay  oo  maalmihii la soo dhaafay ka soo yeerayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno Hadal meel waayay”

Xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowaan Soomaaliland ku eedeyay inay taageerto kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.