Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka uu lumiyay Xubinimadii golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in Mudane Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, maadaama uu ka maqnaaday laba (2) kal-fadhi oo caadi ah, kuwaasoo isku xiga, iyada oo aan jirin sabab macquul ah.
Sidaas darteed, waxa la faray hay’adaha ku shaqada leh inay buuxiyaan kursiga bannaan ee lambarkiisu yahay HOP#201, iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan Dastuurka.
Xildhibaanka ayaa kasoo jeedda gobolka Awdal. Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada gobolada Waqooyi ee Muqdisho lagu doortay.
Waxaa uu billihii lasoo dhaafay soo saarayay warqado ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
Qodobada kasoo baxday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siddaan u qornaa:
Qodobka 59aad, farqadiisa 1aad, xarafkiisa (d) ee Dastuurka KMG wuxuu qeexayaa in xubinimada Baarlamaanka la lumi karo haddii xildhibaan ka maqnaado laba (2) kal-fadhi oo caadi ah oo isku xiga, iyada oo aan jirin sabab macquul ah.
Qodobka 8aad, farqadiisa (4) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu xoojinayaa qodobka kore, isagoo qeexaya in xubinimada Golaha Shacabka la lumin karo haddii xildhibaan ka maqnaado laba (2) kal-fadhi oo isku xiga iyada oo aan jirin sabab macquul ah.
Qodobka 66aad, farqadiisa 2aad ee DKG wuxuu farayaa in Golaha Shacabka uu yeesho ugu yaraan laba (2) kal-fadhi oo caadi ah sanad kasta, midkiibana uu socdo afar (4) bilood. Qodobkan wuxuu caddaynayaa muhiimadda ay leedahay joogitaanka xildhibaanada kulamada Golaha.
Qodobka 14aad, farqadiisa (1) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu siinayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka awoodda ah inuu ilaaliyo, fuliya, iyo dhoofiyo xeer-hoosaadka Golaha, taasoo siinaysa masuuliyadda go’aaminta arrimaha la xiriira maqnaanshaha xubnaha Golaha.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Habdhowrka Golaha Shacabka waxay caddeysay in Mudane Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib uusan soo xaadirin laba (2) kal-fadhi oo xiriir ah, taasoo keentay in la go’aamiyo luminta xubinimadiisa.
Go’aanka Ugu Dambeeya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu go’aamiyay in:
Mudane Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, maadaama uusan xaadirin laba (2) kal-fadhi oo isku xiga, isagoo aan sabab macquul ah soo gudbin.
Hay’adaha ay quseyso la faray inay buuxiyaan kursiga bannaan, iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan Dastuurka.