U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Dadaallada Dhexdhexaadinta ee Qatar ee u Dhaxeeya DRC iyo Rwanda

Sheeko:War

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, kuwaas oo lagu fududeynayo wadahadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Jamhuuriyadda Rwanda.

Kulankii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Dooxa ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida bariga DRC iyo guud ahaan gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay go’aanka ay dhinacyadu ku gaareen xabbad-joojin degdeg ah iyo shuruud la’aan, taasoo lagu adkeeyay shirkii EAC-SADC ee ka dhacay Dar es Salaam.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay sida ay u aqoonsan tahay muhiimadda geeddi-socodyada nabadeed ee Luanda iyo Nairobi, iyadoo sheegtay in wadahadalladii ka bilowday Dooxa ay gogol-xaar u yihiin xal waara oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarka gobolka Harooyinka Waaweyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay nabadda iyo iskaashiga gobolka, waxayna ku celisay taageerada ay u hayso dadaalladan diblomaasiyadeed. Sidoo kale, waxay garab istaagtay shacabka DRC iyo Rwanda si loo gaaro nabad waarta.

Waxay dowladda Soomaaliya u mahadcelisay Dowladda Qatar doorkeeda firfircoon ee ay ku leedahay dhexdhexaadinta iyo dhiirrigelinta wadahadallada wax dhisaya. Waxay intaa ku dartay in ay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo xoojiyo dadaallada nabadeed ee dhowraya madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka, isla markaana lagu xoojinayo xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.