Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Guusha Ciidamada Milatariga Suudaan

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhoweysay guusha ay gaareen Ciidamada Milatariga Suudaan, kuwaas oo dib ula wareegay xarumihii dowladda ee caasimadda Khartuum, kana saaray maleeshiyaadka RSF ee uu taageero Imaaraadka.
Soomaaliya waxay si weyn u ammaantay naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujiyeen shacabka iyo ciidamada walaalaha ah ee Suudaan, iyada oo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan midnimada, wadajirka iyo xasilloonida qaranka Suudaan.
“Soomaaliya waxay la dhacsan tahay naf-hurnimada walaalaha Suudaan – shacabka iyo ciidamada. Waxaan si buuxda u taageereynaa midnimadooda, wadajirkooda, iyo dadaalkooda ku aaddan xasilloonida qaranka, horumarka iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee JFS.
Dowladda Soomaaliya waxay rajaynaysay in guushan ay horseedi doonto xasillooni waarta iyo nabad ka dhalata guud ahaan gobolka, iyada oo Alle uga baryaysa shacabka Suudaan horumar iyo barwaaqo.