Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, si uu uga qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta oo lagu wado in uu maalmaha soo socda furmo.
Shirkan oo sanad walba qabsooma ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalalka Carabta, gaar ahaan xasaradda ka taagan Falastiin iyo kaalinta ay baarlamaanada Carabta ka qaadan karaan taageerada shacabka reer Falastiin.
Socdaalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli uu khilaaf siyaasadeed oo xooggan ka dhex aloosan yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka, taasoo keentay in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ay si cad u muujiyeen dhaliil iyo muran la xiriira hannaanka hogaamineed ee Golaha.




From the comments