U bood dhigaalka

Wasiirrada Ganacsiga iyo Beeraha oo Kormeeray Kaydka Badeecooyinka Dibadda: Baaq ku wajahan Wax-soo-saarka Gudaha iyo Ilaalinta Tayo-dhowrka

Sheeko:War

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray kaydka badeecooyinka laga keeno dibadda oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Booqashada ayaa timid xilli sii kordhaya walaaca laga qabo saameynta badeecooyinka dibadda ku leeyihiin wax-soo-saarka gudaha iyo nolosha beeraleyda Soomaaliyeed. Wasiirrada ayaa sheegay in dalagyada la keenayo ay yihiin kuwo dalka gudihiisa ka baxa, sidaas darteedna aan loo baahnayn in dibadda laga keeno, maadaama ay si toos ah u dhaawacayaan dhaqaalaha beeraleyda iyo kobaca warshadaha gudaha.

“Waa arrin qaran ah in aan ilaalino wax-soo-saarkeena, ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed. Dalagyada dalka ka baxa in laga keeno dibadda, waa dhaawac dhaqaale iyo dhaawac wadaninimo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale, Wasiirrada ayaa fariin adag u diray Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, iyagoo xasuusiyay waajibaadkeeda ilaalinta tayada badeecooyinka dalka soo galaya. Waxay sheegeen in aysan jiri karin badeecooyin aan tayo lahayn oo si sahlan ku soo gala dalka, iyagoo dhaawacaya caafimaadka bulshada iyo suuqyada maxalliga ah.

“Waa in la joojiyaa badeeco kasta oo aan waafaqsanayn heerarka tayada, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dibadda ee la tartamaya wax-soo-saarka gudaha. Tani waa masuuliyad qaran iyo mid bulsho,” ayuu yiri Wasiir Geesood.

Wasiirrada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, in ay dhiirrigeliyaan wax-soo-saarka gudaha si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale, loona xoojiyo waddaniyadda iyo horumarka dalka.

Booqashadan ayaa noqonaysa tallaabo muhiim ah oo lagu muujinayo is-garab taagga dowladda u muujisay beeraleyda Soomaaliyeed iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo ay muuqato in dowladda federaalku u jeedsatay qorsheyaal lagu xakameynayo badeecooyinka aan lagama maarmaanka ahayn ee dibadda laga keeno.