Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijisay in Turkey iyo Maraykanka ay dib u billaabeen wada-xaajoodyo ku saabsan cunaqabateynta Mareykanka iyo dib-ugu-soo-laabashada Ankara ee barnaamijka diyaaradaha F-35.
Wasaaraddu waxay caddeysay in aysan wax isbedel ah ku imaan milkiyadda Turkiga ee nidaamka difaaca cirka ee Ruushka S-400, arrin horey u sababtay khilaaf xooggan oo labada dal dhex maray.
Sanadkii 2020 ayay Washington ka saartay Turkiga F-35, iyadoo sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay kadib markii Ankara ay iibsaday S-400 oo uu Maraykanku ku tilmaamey khatar amni oo ka dhan ah nidaamka difaaca NATO.



From the comments