Dowladda Eritrea ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah uga baxday Urur-Goboleedka IGAD, kaddib markii ay ku eedeysay ururka “in uusan ka dhabeyn ujeedadii loo aas-aasey” isla markaana uu noqday “mid aan ka shaqeynin danaha guud ee gobolka.”
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea ayaa lagu sheegay in IGAD uu noqday urur ay “saameyn ku yeesheen dano gaar ah iyo xulufo siyaasadeed,” ayna ka maqan tahay dhexdhexaadintii looga baahnaa.
Go’aankani wuxuu imaanayaa iyadoo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ay maalmihii dambe kor u sii kacaysay, labada dowladoodna ay bilaabeen cod-karadis iyo isku xulufeysi ay ka raadinayaan dalalka IGAD.




From the comments