U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada oo maanta ku dhawaaqaya natiijada horudhaca ah ee doorashadii taariikhiga ahayd ee Gobolka Banaadir​

Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaaciyaan natiijada horudhaca ah ee doorashadii golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo dhacday 25-kii bishan Diseembar.

Doorashadan oo ahayd tii ugu horreysay ee “Qof iyo Cod” ah oo ka dhacda caasimadda muddo ka badan nus qarni, ayaa waxaa si weyn u sugaya shacabka Soomaaliyeed iyo ururada siyaasadda ee tartamayay.


In ka badan 1,600 oo musharax oo ka kala socda 20 urur siyaasadeed ayaa u tartamayay 390 kursi oo ay ku tartameen 16-ka degmo ee gobolka.