RODRÍGUEZ OO LA WAREEGTAY HOGGAANKA VENEZUELA KA DIB QABASHADII MADURO
Magaalada Caracas maanta waxaa ka dhacay isbeddel weyn oo dhanka sharciga iyo maamulka ah, ka dib markii Maxkamadda Sare ee dalka Venezuela ay amar degdeg ah ku soo saartay in Delcy Rodríguez, oo ahayd Madaxweyne ku-xigeenka dalka, ay si rasmi ah ula wareegto xilka Madaxweynaha kumeel-gaarka ah.
Go’aankan ayaa dhashay ka dib markii uu dalka ka maqnaaday Nicolás Maduro, taas oo Maxkamadda Sare ay ku tilmaamtay “Maqnaansho khasab ah” oo ka dhalatay markii ciidamada Mareykanku ay qabteen Maduro, kuna xireen magaalada New York.
Maxkamaddu waxay tallaabadan ku tilmaamtay mid muhiim u ah si loo dammaanad qaado sii socoshada maamulka dawladda iyo difaaca madax-bannaanida dalka xilli lagu jiro xaalad degdeg ah.
Delcy Rodríguez ma ahan qof ku cusub saaxadda siyaasadda; waa mid ka mid ah saaxiibadii ugu dhowaa ee Maduro, waxayna soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda . Waxay caan ku tahay inay tahay qof si adag u aaminsan falsafadda Chavismo (falsafadii Hugo Chávez), waana qof aqoon durugsan u leh sharciga, iyadoo wax ku soo baratay dalka Faransiiska.
Isbeddelkan ayaa yimid xilli uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sheegay in Mareykanku uu “maamuli doono” Venezuela ilaa laga helayo doorashooyin cusub.
Trump ayaa xitaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, uu wadahadal la yeeshay Delcy Rodríguez, isagoo ku andacooday inay diyaar u tahay iskaashi, inkasta oo ay iyadu si fagaare ah u cambaareysay qabashada Maduro, iyadoo ku tilmaamtay “afduub” iyo fal “bahalnimada.”
Magacaabista Delcy Rodríguez waxay u muuqataa isku day ay Maxkamadda Sare ku doonayso inay ku badbaadiso nidaamka hadda jira, iyadoo dhanka kalena Mareykanku uu qorsheynayo inuu gacanta ku dhigo ilaha dhaqaalaha ee dalkaas, gaar ahaan shidaalka, si loo beddelo nidaamka maamul ee dalkaas.