DEGDEG: Dawladda Federaalka ah oo Celisay Diyaarado Siday Ciidamo Hubaysan
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tallaabo lamafilaan ah ku joojisay diyaarado siday ciidamo aad u hubaysan oo laga soo kala daabulay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo gaarayay boqolaal askari ayaa ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo qorshuhu ahaa inay magaalada ka degaan ka hor safarka madaxdaas ee maalinta berri ah.
Muuqaallada askartan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saakay si weyn u qabsaday baraha bulshada, taas oo dhalisay dareen xooggan oo dhanka amniga ah.
Wararka ayaa sheegaya in go’aanka dowladda uu salka ku hayo tirada ciidanka oo aad u badnayd iyo hubka ay siddeen oo ka baxsan habmaamuuska amniga ee loogu talagalay ilaalada madaxda dawladgoboleedyada marka ay imaanayaan caasimadda.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid cadaadis weyn ku kordhinaysa xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah, iyadoo weli laga sugayo dhinacyadaas inay ka soo saaraan qoraallo rasmi ah oo faahfaahinaya waxa keenay ismariwaagan dhanka hawada ah.