Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tallaabo lamafilaan ah ku joojisay diyaarado siday ciidamo aad u hubaysan oo laga soo kala daabulay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo gaarayay boqolaal askari ayaa ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo qorshuhu ahaa inay magaalada ka degaan ka hor safarka madaxdaas ee maalinta berri ah.
Muuqaallada askartan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saakay si weyn u qabsaday baraha bulshada, taas oo dhalisay dareen xooggan oo dhanka amniga ah.




From the comments