U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Digniin u Diray Maamulka Koonfur Galbeed

Maarso 20, 2026

​Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si adag u dhaleeceeyay tallaabooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee uu maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ka wado magaalada Baydhabo.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Aadan Madoobe waxa uu caddeeyay in waxa hadda ka socda xarunta gobolka Bay ay yihiin kuwo ka baxsan nidaamka lagu heshiiyo, isagoo ku tilmaamay wax aan marnaba la aqbali karin oo khatar ku ah xasilloonida deegaanka.

​Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in maamulku uu qaadayo tallaabooyin uu u arko inay yihiin kuwo lagu caburinayo ra’yiga xorta ah iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, taas oo uu sheegay inay horseedi karto kala qaybsanaan bulsho.

Digniinta uu u diray madaxda sare ee Koonfur Galbeed ayaa ahayd mid cad, isagoo ugu baaqay inay si degdeg ah uga laabtaan go’aannada xasaradda kicinaya, ayna u turaan dadka rayidka ah iyo deegaanka oo hadda wajahaya duruufa adag oo u baahan midnimo halkii lagu mashquuli lahaa is-maandhaaf siyaasadeed.