Madaxda dalalka Turkey, Masar iyo Pakistan ayaa wada dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si loo qabto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda Mareykanka iyo Iran, sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay.
Kulankan oo la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Islamabad ee caasimadda Pakistan ayaa la filayaa inuu dhaco 48 saacadood gudahood, haddii ay guuleystaan dadaallada socda.
Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in xal nabadeed looga gaaro xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe, gaar ahaan arrimaha la xiriira colaadaha gobolka iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga caalamka.




From the comments