Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in dowladdiisu ay dib u eegis ku samaynayso soo jeedin uu Maraykanku u gudbiyay si loo soo afjaro dagaalka ka socda gobolka, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay jirin wada-hadal toos ah oo u dhexeeya labada dal.
Wareysi laga sii daayay telefishinka dowladda ayuu Araqchi ku sheegay in fariimaha ay dhex-dhexaadiyeyaashu labada dhinac u kala gudbinayaan aysan micnahoodu ahayn wada-hadal rasmi ah ama wada-xaajood.
“Fariimaha dhexdhexaadiyeyaasha looma aqoonsan karo wada-xaajood ama wada-hadal toos ah,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaa ku daray in soo jeedinta Maraykanka loo gudbiyay madaxda ugu sarreysa ee Tehran si ay go’aan uga gaaraan.




From the comments