Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay Golaha Shacabka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray, isla markaana wararkaasi lagu tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Xafiisku wuxuu adkeeyay in habraacyada rasmiga ah ee Golaha Shacabka ay cad yihiin, islamarkaana wixii mooshin ah lagu soo gudbiyo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u degsan Baarlamaanka.
Sidoo kale, qoraalka ayaa digniin loogu diray dadka faafinaya wararka aan la xaqiijin, iyadoo lagu booriyay bulshada in ay ka fogaadaan wararka marin habaabinta ah ee lagu baahiyo baraha bulshada.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay baraha bulshada ku faafayeen warar sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha la diyaarinayo, kuwaas oo hadda si rasmi ah loo beeniyay.