Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay Golaha Shacabka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray, isla markaana wararkaasi lagu tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Xafiisku wuxuu adkeeyay in habraacyada rasmiga ah ee Golaha Shacabka ay cad yihiin, islamarkaana wixii mooshin ah lagu soo gudbiyo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u degsan Baarlamaanka.




From the comments