Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii guddigu u xoojin lahaa gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, gaar ahaan kormeerka hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gudaha, amniga iyo socdaalka, si loo horumariyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa guddiga ku boorriyey inay dardargeliyaan dhammaystirka hindise-sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan, si loo horgeeyo Golaha Shacabka loogana sameeyo dood iyo go’aan sharciyeed.




From the comments