Goobjoog

WAR DEG DEG AH: Dagaal Ka Qarxay Magaalada Baydhabo Iyo Hubka Culus Oo La Isu Adeegsanayo

​Xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa goordhow ka qarxay dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo ciidamo hubeysan oo mucaarad ah…

WAR DEG DEG AH: Dagaal Ka Qarxay Magaalada Baydhabo Iyo Hubka Culus Oo La Isu Adeegsanayo

​Xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa goordhow ka qarxay dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo ciidamo hubeysan oo mucaarad ah iyo ciidan taageersan Madaxweyne Laftagareen.

​Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya gudaha magaalada, iska horimaadkan ayaa si gaar ah uga bilaawday aagga Suuqa Xoolaha, halkaas oo laga maqlayo daryanka rasaas culus iyo madaafiic ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

​Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka wali socda, balse waxaa gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha ee xaafadaha lagu dagaallamayo.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay guryahooda ku xaroodeen maadaama rasaastu ay tahay mid aad u xoogan oo ku faafaysa qaybo hor leh oo ka mid ah magaalada.

​Xiisaddan gacan ka hadalka ah ayaa ku soo beegmaysa xilli uu aad u kacsan yahay loolanka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo, kaas oo salka ku haya doorashooyinka iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu ku sii fido xaafado hor leh.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments