U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kula kulmay Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo Qeybaha Bulshada

Abriil 1, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay sii hayaasha wasiirrada dowlad goboleedkaas.

Guddoomiyaha ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan ujeedka wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha si aanay u hakannin adeegyada aas-aasiga ah ee loo hayo bulshada.

Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Koonfur Galbeed ayaa dhankooda soo bandhigay warbixino la xiriira shaqooyinka ay u hayaan shacabka, iyagoo tilmaamay caqabadaha jira iyo horumarka la gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay sii xoojiyaan dadaallada adeeg bixinta, isla markaana ay shaqadooda si hufan u wadaan inta laga gaarayo doorashooyin ay ku qanacsan yihiin bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka, isagoo kala hadlay doorkooda ku aaddan xasilloonida, horumarka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.