Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay sii hayaasha wasiirrada dowlad goboleedkaas.
Guddoomiyaha ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan ujeedka wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha si aanay u hakannin adeegyada aas-aasiga ah ee loo hayo bulshada.
Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Koonfur Galbeed ayaa dhankooda soo bandhigay warbixino la xiriira shaqooyinka ay u hayaan shacabka, iyagoo tilmaamay caqabadaha jira iyo horumarka la gaaray.




From the comments