Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa soo saartay qoraal ay ugu dabbaal-degayso 8-sannadood ee xukunka Abiy Ahmed, iyadoo ku sifeysay xiriirka Soomaaliya mid “qoto-dheer” oo ku dhisnaan “is-faham iyo barwaaqo.” Farriintan oo lagu baahiyey barta rasmiga ah ee Safaaradda ayaa u muuqata mid lagu marin-habaabinayo indhaha caalamka, maadaama ay si cad uga hor imaanayso xaqiiqada dhisidda xiriirka labada dal oo maraya meeshii ugu hooseysay.
Faragelinta iyo Been-abuurka
In kasta oo Safaaraddu ka hadlayso “midnimo,” haddana ficillada dowladda Itoobiya ayaa ah kuwo liddi ku ah madax-bannaanida Soomaaliya. Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii sharci-darrada ahaa ee lala galay Somaliland (MoU), Itoobiya waxay si bareer ah ugu xadgudubtay qaranimada dalka. Waxa kale oo xusid mudan in Safaaraddu ay hormuud u ahayd faragelintii ugu weyneyd ee Garowe, markii ay diideen inay xiraan qunsuliyaddooda halkaas ku taal, iyagoo hareer maray amarkii dowladda Federaalka Soomaaliya.




From the comments