Goobjoog

Ciidanka Boliiska oo burburiyay xarun Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska La-dagaalanka Argagixisada, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu magacaabo “WAABARI” ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay heleen xog sirdoon oo…

Ciidanka Boliiska oo burburiyay xarun Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska La-dagaalanka Argagixisada, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu magacaabo “WAABARI” ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay heleen xog sirdoon oo la isku halleyn karo.

Howlgalkan oo dhacay 18-ka April 2026, abaaro 9:00 subaxnimo, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ciidanka Gaarka ah ee la-dagaalanka argagixisada iyo qeybta Baarista Dembiyada (CID), waxaana lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxaha Shabaab uga qaadi jireen lacago baad ah dadka rayidka ah ee isticmaala waddada deegaankaasi.

Ciidamada ayaa si buuxda u burburiyay bar kontorool iyo xarun ay maleeshiyaadku ka maamulayeen howlgallada baadda, taasoo muddo dhibaato ku haysay shacabka deegaanka Jambaluul.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Zakariye, oo ahaa mas’uulka jarista boonooyinka lagu qaadi jiray lacagaha baadda ah.

Sidoo kale, waxaa lagu dhaawacay laba horjooge oo kale oo kala ah Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa mas’uulka Shabaab ee deegaanka Jambaluul, iyo nin kale oo lagu magacaabo Geele, oo hoos yimaaday Xasan Cabdiraxmaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale goobta ka soo qaaday caddeymo muhiim ah oo ay ka mid yihiin boonooyinkii lagu qaadi jiray baadda, hub iyo mooto uu lahaa horjoogihii la dilay.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan amniga, isla markaana uga jawaabayaan cabashooyinka shacabka ee la xiriira baadda sharci-darrada ah ee ay kooxaha Shabaab ka qaadaan dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ballanqaadday in ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments