U bood dhigaalka

Burcad-badeed Soomaaliya oo afduubtay Markab Shidaal oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya

Abriil 25, 2026

Warar amni oo ay xaqiijiyeen ilo kala duwan ayaa sheegaya in koox burcad-badeed ah ay afduubteen markab shidaal sidday oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo Honour 25 ayaa la sheegay in la qabsaday xilli uu ku sugnaa meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebta Soomaaliya.

Sida ay ilo amni u sheegeen warbaahinta, lix nin oo hubeysan ayaa si lama filaan ah u weeraray markabka, iyagoo la wareegay gacan ku hayntiisa.

Markabkan ayaa siday ku dhowaad 18,500 foosto oo shidaal ah, waxaana saarnaa 17 shaqaale ah oo isugu jira dalal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Pakistan, Indonesia, India, Sri Lanka iyo Myanmar.

Wararka ayaa tilmaamaya in markabka hadda lagu hayo meel u dhow xeebaha u dhexeeya magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafuun iyo Bander Beyla ee gobolka Bari.

Sidoo kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in shan nin oo kale oo hubeysan ay markii dambe ku biireen kooxdii hore ee afduubka geysatay, taasoo sare u qaaday tirada burcad-badeedda gacanta ku haysa markabka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya ay hoos u dhacday tan iyo sanadkii 2011, kadib howlgallo caalami ah oo lagula dagaallamay.

Si kastaba ha ahaatee, saddexdii sano ee u dambeysay waxaa mar kale soo kordhay weerarro lagu beegsado maraakiibta, gaar ahaan kuwa kalluumeysiga iyo kuwa xamuulka qaada.