Goobjoog

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ka hadlay Soomaaliya iyo hadal muran dhaliyay

Muhoozi Kainerugaba, oo ah Taliyaha Ciidanka Uganda isla markaana ah wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in diiraddiisu ay tahay Soomaaliya, isagoo xusay…

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ka hadlay Soomaaliya iyo hadal muran dhaliyay
In this photo taken Friday, Aug. 29, 2014 and provided by the African Union Mission to Somalia (AMISOM) on Saturday, Aug. 30, 2014, African Union (AU) soldiers from Uganda gather as they prepare to launch an offensive against al-Shabab strongholds in the Lower Shabelle region of Somalia. Somali government troops fighting alongside AU troops drove the militants from a number of towns as part of their military offensive dubbed “Indian Ocean” aiming to oust al-Shabab from its last major hideouts in the southern parts of the Horn of Africa nation. (AP Photo/AMISOM, Tobin Jones)

Muhoozi Kainerugaba, oo ah Taliyaha Ciidanka Uganda isla markaana ah wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in diiraddiisu ay tahay Soomaaliya, isagoo xusay in “codka Uganda la ixtiraami doono gudaha Soomaaliya hadda iyo mustaqbalka.”

Muhoozi ayaa sidoo kale sheegay in khilaafkii uu hore ula yeeshay Turkiga uusan si toos ah ula xiriirin dalkaas, balse uu carrabka ku adkeeyay xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “walaalo dhab ah.”

Hadalka ayaa si weyn u soo jiitay dareenka, maadaama Uganda ay door muhiim ah ka ciyaarto arrimaha amniga Somalia, gaar ahaan howlgalada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Si kastaba, weedhaha ku saabsan in “codka Uganda la ixtiraamo Soomaaliya” ayaa dhalisay falcelin kala duwan.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa u arka hadalka mid muujinayay doorka Uganda ee taageerada amniga Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ka muujinayaan walaac ku saabsan sida uu u taabanayo madaxbannaanida dalka.

Muhoozi Kainerugaba ayaa hore hadallo muran dhaliyay uga sheegay Turkey, kuwaas oo la xiriiray arrimo siyaasadeed iyo awood muujin.

Wuxuu marar kala duwan baraha bulshada ku qoray hadallo loo fasirtay dhaleeceyn iyo isbarbardhig taariikhi ah, taasoo dhalisay falcelin gudaha iyo dibaddaba ah.

Si kastaba, hadalkiisii ugu dambeeyay ayuu ku caddeeyay in khilaafkaas uusan si toos ah ugu jeedin Turkiga, balse uu diiradda saarayo xiriirka iyo doorka Uganda ee Somalia.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments