U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka oo diiday magacaabistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Maajo 1, 2026

Muqdisho — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si cad u diiday magacaabistii uu shalay sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mungaab), ee guddoomiyeyaal cusub loogu magacaabay degmooyinka Dayniile iyo Shangaani.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray 30-ka Abriil 2026, ayaa lagu sheegay in xiligan lagu jiro marxalad doorasho oo xasaasi ah, islamarkaana aan la oggolayn wax tallaabo ah oo wax ka beddelaya maamulada degmooyinka, maadaama ay saameyn toos ah ku yeelan karto hannaanka doorashooyinka.

Guddigu wuxuu xusay in magacaabistaasi ay ka hor imanayso Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo sharciga doorashooyinka qaranka, gaar ahaan qodobbada dhigaya in aan la faragelin karin maamulka deegaanada inta lagu jiro hawlaha doorashada.

Sidoo kale, GMDQS ayaa caddeysay in guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir ay hadda ku jiraan waajibaad doorasho, isla markaana mas’uuliyadooda ay tahay diyaarinta iyo hirgelinta doorashooyinka, halkii laga beddeli lahaa.

Ugu dambeyn, guddigu wuxuu ka digay in tallaabo kasta oo aan sharci waafaqsaneyn ay dhaawici karto hufnaanta doorashada iyo kalsoonida shacabka, wuxuuna ku baaqay in la ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda dalka.