Goobjoog

Diyaarad siday Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Ingiriiska oo laga celiyay hawada Soomaaliya

Diyaarad gaar loo leeyahay oo sidday masuul sare oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Ingiriiska (House of Lords) ayaa la sheegay in loo diiday inay gasho hawada Soomaaliya, xilli…

Diyaarad siday Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Ingiriiska oo laga celiyay hawada Soomaaliya

Diyaarad gaar loo leeyahay oo sidday masuul sare oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Ingiriiska (House of Lords) ayaa la sheegay in loo diiday inay gasho hawada Soomaaliya, xilli ay kusii jeeday magaalada Hargeysa.

Sida lagu arkay xogta Flightradar24, diyaaradda ayaa muddo ku dul wareegaysay hawada dalka Jabuuti, gaar ahaan agagaarka magaalada Djibouti, iyadoo sameyneysay wareegyo isdaba joog ah oo muujinayay in aysan haysan oggolaansho degitaan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in sababta loo diiday ay la xiriiri karto arrimo oggolaansho iyo nidaamka maamulka hawada, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda Soomaaliya ama maamulka Somaliland.

Kadib wareegyo badan oo ay ku qaadatay hawada Jabuuti, diyaaradda ayaa ugu dambeyn u dhaqaaqday dhanka Itoobiya, halkaas oo ay ka heshay oggolaansho degitaan am wadista safarkeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ula socota hawada Soomaaliya ka dib markii maamulka Yahuuda ay aqoonsi beeneed siiyeen maamulka gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments