Goobjoog

Erdogan: Soomaaliya waxay sugeysaa war wanaagsan oo dhanka shidaalka ah

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in howlgalka shidaal baarista ee ay Turkigu ka wadaan xeebaha Soomaaliya uu yahay mid taariikhi ah, islamarkaana uu yahay hawlgalkii ugu horreeyay ee qodis…

Erdogan: Soomaaliya waxay sugeysaa war wanaagsan oo dhanka shidaalka ah
“Allah considererà voi, tutti noi, responsabili per questo”, ha affermato Erdogan rivolgendosi al mondo islamico. (Foto d’archivio)

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in howlgalka shidaal baarista ee ay Turkigu ka wadaan xeebaha Soomaaliya uu yahay mid taariikhi ah, islamarkaana uu yahay hawlgalkii ugu horreeyay ee qodis badda dheer ah oo ay Türkiye ka fuliso meel ka baxsan dalkeeda.

Erdogan wuxuu tilmaamay in haddii xaaladaha cimilada iyo badda ay wanaagsan yihiin, la filayo in howlgalka qodista lagu soo gabagabeeyo muddo u dhexeysa lix illaa sagaal bilood.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale muujiyay rajada ay ka qabaan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan war wanaagsan oo muddo dheer ay sugayeen, isagoo xusay in Soomaaliya ay sanado badan la daalaa dhacaysay xasillooni darro iyo macluul.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada tamarta, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments