Wararka ka imanaya Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Donald Trump, uu weli ka fiirsanayo go’aanka uu ka qaadanayo xiisadda kala dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan.
Sida ay baahisay warbaahinta Axios Trump ayaa qiyaastii 50% ku kala jiro laba doorasho oo kala ah in la gaaro heshiis diblomaasiyadeed oo lala yeesho Iiraan ama in la qaado tallaabo militari oo ay ku jirto duqeyn.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in maamulka Aqalka Cad uu qiimeynayo saameynta amni, siyaasadeed iyo midda gobolka ka dhalan karta go’aan kasta, xilli ay sare u kacday xiisadda Bariga Dhexe.




From the comments