Go’aanka maxkamadda ayaa xaqiijiyay mamnuucidda munaasabadda, taas oo sannad kasta soo jiidata kumannaan ka qaybgalayaal ah oo ka kala yimaada meelo kala duwan oo Faransiiska ah.
Duqa magaalada Nantes, Joanna Rolland, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay inay ka xun tahay go’aanka la gaaray, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay u hayso qabanqaabiyeyaasha iyo ka qayb-galayaasha munaasabadda.
Waxay sheegtay in kumannaan muwaadiniin Muslimiin ah iyo qoysaskooda laga hor istaagay kulan ay muddo dheer sugayeen, taasoo ay ku tilmaantay arrin murugo iyo niyad-jab abuurtay.




From the comments