Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacabka iyo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed kula tukaday salaadda Ciidul Adxaa magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo Alle SWT uga baryay inuu ku gaarsiiyo ciidaha dambe nabad, horumar, barwaaqo iyo midnimo waarta.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ku booriyay xoojinta wadajirka, is-xaq dhowrka iyo taageerada bulshada, si loo adkeeyo nabadda iyo dowladnimada dalka.