Siyaasadda Soomaaliya ayaa markale gashay bog cusub oo taariikhi ah, kaddib markii Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ay si sharci ah ula wareegtay hoggaanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Isbeddelkan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyihii Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, marka xilka guddoomiyaha bannaanaado ama uu gudan waayo waajibaadkiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ayaa si ku-meel-gaar ah ula wareegaya mas’uuliyadda hoggaanka Golaha ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub.




From the comments