Siyaasadda Soomaaliya ayaa markale gashay bog cusub oo taariikhi ah, kaddib markii Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ay si sharci ah ula wareegtay hoggaanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Isbeddelkan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyihii Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, marka xilka guddoomiyaha bannaanaado ama uu gudan waayo waajibaadkiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ayaa si ku-meel-gaar ah ula wareegaya mas’uuliyadda hoggaanka Golaha ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub.
Sacdiyo Yaasiin ayaa sidaas ku noqotay haweeneydii ugu horreysay ee si rasmi ah oo sharci ah u maamusha Golaha Shacabka, oo ah hay’adda ugu sarreysa sharci-dejinta dalka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama aysan horey u jirin haweeney si buuxda ula wareegtay hoggaanka Golaha Shacabka tan iyo markii la dhisay dowladaha Federaalka Soomaaliya.
Sacdiyo Yaasiin waxay horey u gashay taariikhda siyaasadda Soomaaliya sanadkii 2022, markii loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka. Doorashadaas waxay ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee gaarta xilkaas sare, iyadoo jebisay caqabado badan oo muddo dheer hortaagnaa ka qaybgalka haweenka ee hoggaanka dalka.