Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Galmudug G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha NISA ee Qeybta Galmudug Col. Dubad, iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Xanabuure ee Gobolka Galgaduud.
Ujeeddada safarka ayaa ahayd qiimeynta xaaladda guud ee amniga deegaanka Xanabuure, kaas oo kasoo kabanaya colaad beeleed hore uga dhacday deegaanka, isla markaana dhex martay beelo walaalo ah oo wada dega halkaasi.
Saraakiisha ciidamada ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, iyagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni ee deegaanka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo kala dambeynta.
Mas’uuliyiinta ciidamada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo ilaaliyo xasilloonida deegaanka, loogana hortago wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda la soo celiyay.
Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada ayaa ballan qaaday inay sii laba jibbaari doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanka Xanabuure, si loo xaqiijiyo wada noolaansho waara, amni buuxa iyo horumar ay ku naaloodaan shacabka deegaanka.