Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026, xaaladda amniga, dhaqaale iyo bulsho ee dalka.
Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka Qaranka.
Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ahayd, iyada oo si gaar ah loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ah ee maamulkaasi, intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada.




From the comments