Goobjoog

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Howlgallo Ka Billabay Duleedka Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ka socda duleedka Baydhabo, kuwaas oo lagu beegsanayo ciidamo hubeysan oo taabacsan…

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Howlgallo Ka Billabay Duleedka Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ka socda duleedka Baydhabo, kuwaas oo lagu beegsanayo ciidamo hubeysan oo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay sugidda amniga magaalada iyo ka hortagga weerarro ay sheegeen in marar kala duwan laga soo qaaday fariisimaha ciidamadaas.

Hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ku adkeystay in aan la aqbali doonin sii socoshada xiisadda amni, isla markaana ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Baydhabo.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments