Maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk ayaa dood culus ka dhex abuuray baraha bulshada kadib markii uu faafiyay qoraal ku saabsan saameynta dhimistii maalgelinta Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ee dalalka Afrika.
Musk ayaa bartiisa X ku sheegay in heerka dhimashada Afrika uu hoos u dhacay kadib markii la jaray maalgelintii USAID, isagoo ku dooday in hay’addu aysan mar dambe awood u lahayn inay taageerto waxa uu ku tilmaamay kacdoonno rabshado wata oo lagu dhisayo maamulo garabka bidix ah.
Elon Musk ayaa qoraalka uu baahiyay u cuskaday xogo uu ka soo xigtay macluumaad hordhac ah oo la sheegay in laga helay dalal Afrikaan ah sannadkii 2025, kuwaas oo lagu sheegay inaan qaaradda lagu arkin koror muuqda oo dhimasho kadib dhimistii gargaarka USAID.




From the comments