Goobjoog

Midowga Yurub oo Magacaabay Agaasime Cusub oo Afrika u Qaabilsan

Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u magacaabay Francesca Di Mauro inay noqoto Agaasimaha cusub ee Afrika u qaabilsan Hay’adda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS). Francesca Di Mauro ayaa qoraal…

Midowga Yurub oo Magacaabay Agaasime Cusub oo Afrika u Qaabilsan

Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u magacaabay Francesca Di Mauro inay noqoto Agaasimaha cusub ee Afrika u qaabilsan Hay’adda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS).

Francesca Di Mauro ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay inay sharaf weyn u tahay magacaabistan cusub, iyadoo uga mahadcelisay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub Kaja Kallas kalsoonida ay siisay.

Waxay sheegtay inay ku dhalatay kuna soo barbaartay Afrika, islamarkaana ay muddo 20 sano ah ka shaqeynaysay arrimaha qaaradda, iyadoo ballan qaaday inay xoojin doonto xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Afrika, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa xilli Midowga Yurub uu dadaal ugu jiro ballaarinta xiriirka siyaasadeed, amni iyo midka horumarineed ee uu la leeyahay dalalka Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkaan sagootisay Safiirkii Midowga Yurub u fadhiyay Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS) ka dib muddo afar ah oo joogtay Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments