Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI ayaa soo saartay ogeysiis raad-raac ah oo ku saabsan Fahad Mohamed Nur, oo ah Soomaali American iyadoo sheegtay inuu wajahayo eedeymo la xiriira khiyaano maaliyadeed iyo lacag-dhaqid.
Sida ku cad ogeysiiska ay soo bandhigtay FBI, eedeymaha ayaa la xiriira baaritaan ku saabsan lacago laga bixiyay barnaamijyo gargaar iyo quudin carruur ah intii lagu jiray xilligii cudurka COVID-19 ee dalka Mareykanka.
FBI ayaa sheegtay inay bixinayso abaalmarin dhan $150,000 oo la siin doono cid kasta oo bixisa xog horseedi karta qabashada iyo maxkamadeynta eedeysanaha.




From the comments