Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in marinka muhiimka ah ee Hormuz la xiray, kaddib markii ay rasaas digniin ah ku rideen markab ganacsi oo marayay biyaha gobolka.
Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, maadaama marinka Hormuz uu yahay mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, halkaas oo ay maraan qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta shidaalka caalamka.
IRGC ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay tallaabooyin amni oo ay qaadeen, halka dhinacyada caalamiga ah ay ka digayaan in xiritaanka marinka uu saameyn weyn ku yeelan karo ganacsiga caalamka, qiimaha shidaalka iyo maraakiibta ganacsiga.




From the comments