U bood dhigaalka

Bangiga Dhexe oo Ballaarinaya Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah ee Soomaaliya

Luuliyo 28, 2026

Muqdisho, 27 Luulyo 2026 – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu ballaarinayo Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah ee Soomaaliya (SIPS), kaas oo isku xiraya bangiyada ganacsiga, adeegyada Mobile Money-ga iyo shabakadaha lacag-bixinta ee gobolka, si loo helo nidaam mideysan oo lacagaha loogu kala wareego si degdeg ah.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo afjareyso kala-go’naantii hore ee u dhexeysay bangiyada iyo adeegyada Mobile Money-ga, taas oo sare u qaadi doonta helitaanka adeegyada maaliyadeed iyo fududeynta lacag wareejinta.

Nidaamka SIPS oo la hirgeliyey Janaayo 2025 kuna dhisan heerka caalamiga ah ee ISO 20022, ayaa markii uu si buuxda u shaqeeyo isku xiri doona 14 bangi ganacsi iyo 8 adeeg bixiye oo Mobile Money iyo e-wallet ah, isagoo taageeri doona lacag isu dirista, lacag bixinta ganacsiyada, adeegyada dowladda iyo macaamillo kale oo dijitaal ah.

Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale qorsheynaya in SIPS lagu xiro nidaamyada lacag-bixinta ee Bariga Afrika iyo Pan-African Payment and Settlement System (PAPSS) ka hor dhammaadka 2026, si loo dardargeliyo lacagaha xuduudaha ka gudba, ganacsiga iyo xawaaladaha.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in nidaamkan uu yahay maalgelin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka maaliyadeed ee dalka, korna loogu qaadayo hufnaanta, daahfurnaanta, kobaca dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada adeegyada maaliyadeed ee bulshada.