Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Saadad Cali, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saadad Caliyow ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo damaciisa siyaasadeed iyo rabitaankiisa ah inuu u tartamo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan go’aansaday inaan hankayga iyo damacayga xaqiijiyo, oo ah inaan musharrax u ahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,” ayuu yiri Saadad Cali.
Wasiirku wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isagoo uga mahadceliyay muddadii uu xilka soo hayay.
Saadad Caliyow ayaa sheegay inuu Alle uga mahadcelinayo muddadii saddexda sano ahayd ee uu ka tirsanaa dowladda, isagoo ugu dambeyn guul iyo shaqo wanaagsan u rajeeyay bahda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ay muddada dheer soo wada shaqeeyeen.
Is-casilaadda Saadad Cali ayaa kusoo beegmaysa xilli uu billowday loollan siyaasadeed oo ku saabsan hoggaanka Golaha Shacabka, iyadoo musharraxnimadiisa ay ka dhigan tahay inuu si rasmi ah uga mid noqday siyaasiyiinta doonaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.