Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka billowday habraac lagu xaraashayo qaar ka mid ah qalab iyo agab ay ku leedahay dalka, tallaabadan oo kusoo beegmaysa xilli uu isbeddel weyn ku yimid doorkii hay’adda ee Soomaaliya.
Muddo tobannaan sano ah, Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya ku lahayd door muuqda oo dhinacyada siyaasadda, gargaarka bani’aadantinimo, dowlad-dhiska iyo taageerada amniga ah.
Hase yeeshee, xaaladda Soomaaliya ayaa si tartiib ah isu beddeshay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoogga saartay in mas’uuliyadda siyaasadda, amniga iyo maamulka dalka ay si buuxda ugu soo laabato gacanta hay’adaha Soomaaliyeed.
Xaraashka qalabka iyo agabka Qaramada Midoobay, sidaas darteed, wuxuu kusoo beegmayaa xilli la wajahayo marxalad cusub oo ku saabsan joogitaanka iyo howlaha hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Tallaabadan keliya looma fasiran karo inay Qaramada Midoobay gabi ahaanba ka baxayso Soomaaliya, maadaama hay’adaha Qaramada Midoobay ay weli dalka ka wadaan howlo bani’aadantinimo iyo kuwo horumarineed.
Si kastaba, waxay muujin kartaa in qaabka iyo baaxadda hawlihii hore loo waday ay is beddelayaan, iyadoo Soomaaliya ay si weyn u doonayso inay la wareegto mas’uuliyadaha ay muddo dheer ku tiirsaneyd taageerada caalamiga ah.