Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Munaasabad ka dhacday xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa lagu qabtay xafladda xil-wareejinta, waxaana ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ayaa uga mahadceliyey Guddigii Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka shaqadii ay qabteen, isagoo sidoo kale ammaanay hoggaankii iyo howlihii ay soo qabatay Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar intii ay ahayd Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Guddigii Doorashada, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo sii ambaqaadidda howlaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha cusub, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay inuu Golaha Shacabka ku hoggaamin doono caddaalad, hufnaan iyo wadajir, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta shaqada sharci-dejinta, ilaalinta doorka dastuuriga ah ee Golaha iyo ka shaqeynta danta guud.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay si wadajir ah uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, si loo xaqiijiyo yoolalka iyo himilooyinka Golaha Shacabka.
Xil-wareejintan ayaa ku soo beegantay kaddib doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu hadda si rasmi ah u bilaabay hoggaaminta Golaha.