War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada oo u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad-goboleedyada dalka ayaa lagu shaaciyay in Dowladda Federaalka ay qaadaneyso 4,000 oo macallin cusub, kuwaas oo qayb weyn ka qaadan doona horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka.
Hiigsiga guud ee dowladda ee ku aaddanaa shaqaaleysiinta macallimiinta dalka ayaa ahaa 10,000 oo macallin. Iyada oo sanadihii 2023 iyo 2024 ay dowladdu hore u shaqaaleysisay 6,000 oo macallin, qaadashada sanadkan ee 4,000 ee macallin ayaa ka dhigan in si buuxda loo xaqiijiyay loona hirgeliyay hiigsigii qorshaysnaa ee tayeynta tacliinta qaranka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale wali kor u haysa qoondadii macallimiinta ee maamulka Puntland ee sanadihii 2023 iyo 2024, taas oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.
Haddii aan xal waara laga gaarin kala-aragti-duwanaanta jirta, waxay taasi ka dhigan tahay in Puntland ay markii saddexaad qaadici doonto in deegaannadeeda laga qoro qaybta kaga soo aadday macallimiinta Qaranka.
Tallaabadan lagu shaqaaleysiinayo tiradan macallimiinta ah ayaa ku soo aadaysa xilli baahi weyn loo qabo ballaarinta fursadaha waxbarashada aasaasiga ah ee ubadka Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyay kooxaha hubaysan iyo deegaannada miyiga ah.
Hirgelinta qorshahan waxa uu door muhiim ah ka qaadan doonaa dhimista tirada carruurta aan fursadda u helin waxbarashada, kor u qaadista manhajka midaysan, iyo tayeynta aqoonta macallimiinta si loo helo jiil aqoon iyo xirfad u leh dhismaha mustaqbalka dalka.